Qorshaha Kenya iyo Qaran Jabka Soomaaliya. WQ: C/raxman H. Galayr

by Yahye | Tuesday, Apr 29, 2014

Qorshaha Kenya iyo Qaran Jabka SoomaalidaWiil yar  ayaa la diley aabbihii, wiilkii yaraa wuxuu koro oo kobcaba, wuxuu gaadhay gu’ gaashaanqaad. Maalintii dambe ayaa la tusay oo waxaa la yidhi waa kaa ninkii aabbahaa diley. Waxaa laga filayey laba arrimood midkood; inuu ninka dilo oo ka aargoosto waa caado rag. Inuu la xaaltamo oo xaqii aabbihiis ka qaato, hase yeeshee labadii midna ma yeelin. Ninkii wuxuu maalintii dambe u yimid ninkii oo Salaad ku jira oo ku hor tukanaya goob ganacsi uu lahaa, ka dib intuu gudaha u galay Dukaankii ayuu “Irbad“ ka soo xadey, ka dibna wuxuu yidhi hawraar dhaqangashay oo aad loo adeegsado geyiga Soomaaliyeedna ka hirgashay “Rag is gurayee!”.

Haddaba maanta waxaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan ka war dhawrayeen Dowladda Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaadato, arrimaha murugsan iyo dhibaatada baaxadda leh ee ka jirta dalka Kenya ee lagula kacayo Shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda.

Dowladda marnaba ilaa maanta kama aysan qaadan go’aan Siyasadeed oo muuqda arrinta foosha xun ee ka dhacaysa Nairobi. Sidoo kale wax jawaab ah kama bixin farriimaha siyaasadeed ee ay soo dirtey Kenya oo ka turjumaya heerka ay ka taagantahay bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo si guud ay uga gaabsatey Dowladda (Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed) ayaa haddana Beelaha Maamullada leh, waxaad mooddaa haddii dhibaato soo gaadho Shacabka Soomaaliyeed inaysan metelin kana hadli karin kana warcelin.

Waxay dowladda Soomaaliya u yeedhay Ergayga u fadhiya Dalka Kenya, haddaba waxaa is weydiin mudan; ma in isaga la xidho ayay uga baqeen, oo sababo ammaankiisa ah ayaa keenay inay u yeedhaan mise isaga ayaa Kenyaati noqdey marka ay dowladdu leedahay, waxaanu weydiinaynaa su’aalo, ileen ninkii dadka xidhxidhay ee laayey oo xabsiga ku gurey ayaaba taagane? Muxuu ka qaban karaa Ergay madaxdii ka sarreysayba waxba ka qaban karin waayeen? Su’aal Jawaab u baahan? Miyaanu xaalkoodu ahayn “ Rag is gurayee!”.

Kenya wax jawaab ah lama siin lama siinayo sida muuqata, waxaa shirey Golaha Wasiirada, Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed, waxay soo saareen, Cambaareyn, waa dhaqankii lagu yaqaannay Carabta marka la xasuuqo dadkooda ama la duqeeyo ama waddamo carbeed la weeraro inay cambaareeyaan. Cambaareyne waa maxay?

Waa nimaad ka cabsatey oo iska celinweyday cod laga daba yidhaahdo.” Bal  adna aqristoow maxaad ka odhan lahayd?.

Kenya waxay wafdiyo u dirtey, Somaliland iyo Puntland iyada oo u ballan qaaddey inay safaarado ka furaneyso, sidoo kale waxay Saldhig ciidan iyo Safaaradba ku leedahay Jubbooyinka, haddaba Kenya siyaasaddeedu ma mid ku aaddanbaa dhinaca gudaha dalkeeda iyo sugidda ammaankeeda mise  arrinkeedu waa “Baroortu Orgiga ka weyn!”?.

Kenya waxay dalkeeda doonaysaa inay ka saarto, dadka Soomaaliyeed ee qaarkoodna u qaxay qaarna hawlo ganacsi ku leeyihiin, balse, waxaa dalka Soomaaliya ka jooga Ciidamo kor u  dhaafaya Kumannaan, haddaba, Dowladda Soomaaliya mawqif noocee ah ayay ka istaagtey?.

Kenya waxaa dalka Soomaaliya kala dhaxeeya xidhiidh ganacsi oo baaxad weyn leh, waxaana ka soo gala dhinaca Kenya waxyaabo badan, Sida, “Shaaha Madoow, Qaadka, Oommada, Sigaarka (Sportsman iyo Empassy) iwm” dowladda Soomaaliyeed haddiiba xidhiidhkii Siyaasadeed ee Kenya halkaa marayo maxay ka tidhi xidhiidhka siyaasadeed iyo ganacse  ee kala dhaxeeya?.

Kenya sababta ay dhibaatada intaas le’eg u geysanaysaa maaha mid keligeed ay waddo, ee waxaa dabada ka riixaya dowladdo reer galbeeda waxaana la doonayaa,

dhulka lagu muransan yahay ee Shiidaalku ku jiro, iney Kenyana dillaal ka noqoto reer galbeedna magac Keeniyaati ku qotaan, halkaas ay ka soo baxdo: “Dal la helay” haddaba, Kenya siyaasaddeeda ku aaddan “Qaybi oo xukun”, waa mid ay u sahleen kooxaha qawlaysatada ah ee ku shaqaysta magaca Federaalka iyo magacyada kale.

Dowladdu waxna kama odhan inay ka tidhaahdona diyaar uma aha! Haddaba, aan is weydiinno Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadda Cabdiweli Sh. Axmed ma waxay madax u yihiin, Muqdisho dadka jooga mise umadda Soomaaliyeed oo dhan ayay metelaan? Madaxweynayaasha  kale  ciidda iyo camaarkaa ka badani maxay uga hadli waayeen jawaabna uga bixin waayeen dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee maatida ah, haweenka iyo dhallaanka soo gaadhaya, waxay ila tahay ma metelaan dadkaasi haddey qurbaha Joogaan waa Soomaali, Soomaalidana waxaa masuul ka ah, Dowladda (Jamruuriyada Beelaha Soomaaliyeed) hadda iyagu maxay masuul ka yihiin? Ma dhaqaale ku qaaddashada iyo kala qaybinta umadda oo keliya ayay tahay shaqadoodu Bal adba?.

Hadda guud ahaan Magacyo badanta Soomaaliyeed, ma jiro cid ka digiigaxatey oo ka diirtey, dhibka iyo dhaqanxumada lagu hayo bulshada ku dhaqan waddanka Kenya, maaha isweydiin maxaa Kenya geeyey Soomaalida? Taas waa ognahay uma aynaan dalxiis tagine, duruufaha iyo aafooyinka aan inagu sababteeda lahayn ayaa udubka iyo geeddiga noogu furey, waxaase maahmaah Soomaaliyeed tidhaahdaa “Taf aan dhalin Dharabi ma qabato” marnaba dhulkaaga meel aan ahayni kuuma noqonayso dhulkaagii,  “Dal aadan lahayni waa dareen ku joog“  Iyada oo aan kula talinayo bulshada Soomaaliyeed waddamada ay dhibaatooyinku ku haystaan ee ay ka midka yihiin, Kenya, South Afrika, Yemen, Sacuudiga, Giriigga, South Sudan, inay isaga huleelaan oo ay dalkooda ama meeshii kale ee u dhaanta ay doorbidayaan una guuraan.

Dowladda Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed waxaan odhan lahaa, “Ama waa la muuqdaa ama madasha lama tago” haddeydaan Bulshada Soomaaliyeed meteli kareyn waxaa habboon inaad iska wareejisaan xilalka oo aad keentaan Xildhiibid iyo dhigid, caddeysaanna inaydaan awood u lahayn inaad bulshada Soomaaliyeed gaadhsiisaan  geeddi socodka nololeed iyo nabadeed ee ay filanayaan.

Canaan ka yaab reer ma doojo” Xukuumadda hada jiro, Golaheeda Fullintu guud ahaan waa ku ceeboobeen waana ku hor kufeen bulshada Soomaaliyeed ee waa inay tallaabo geesinnimo leh ka qaataan dhibaatada baahsan ee ay ka waddo Kenya dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxay noqdeen marxaladdii saddexda Dibi ee maalinba mid la cuney, awood darrida maanta jirtaa waxaa ka dambayn doonto inaan ka sii darnaano, haddaan lala imaan isbedel iyo aragti siyaasadeed oo mideysan kana madhan nacayb iyo jidh diidka isugu jira maanta oo ay Soomaalinnimo iyo waddaniyad ku dheehantahay, haddii kale, waxaynu noqon doonnaa Falastiinta labaad, cabaad, canbaareyn iyo calaacalkaas ayaan ku jiri doonaa!

Waxaan ku soo afjarayaa tuducyo ka mida Gabay aan hore u tiriyey 2012 oo la yidhaahdo “MIDNIMO” wuxuuna yiri:

Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane

Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene

Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene

Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne

Ushaa laga mitaalayo kelida, Maleh awood weyne

Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane

Midabyada Dibidii lagu makalay,  Maalin lagu leefey

Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay

Maskax li’i masuug kala galay, Noqatay mawdkoode

Haddii maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene

Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe

Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine

Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!