Rabshado dhimasho sababay oo maanta ka dhacay dalka Jabuuti

by wadani | Monday, Dec 21, 2015

Djabuuti : HN :– Rabshado ay dad badani ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay magaalada Jabuuti gaar ahaan xaafadda Balbala.

Rabshadaha ayaa ka dhashay kadib markii boqolaal qof ay isugu soo baxeen Siyaaro sanadle oo lagu qabtay Xaafadaasi.

Siyaarada ayaa waxaa loo dhigaayay Sheekh Yoonis Muuse oo caan ka ahaa dalka Jabuuti, waxaana dadka halkaasiindex ku geeriyooday dilay ciidammada ammaanka dalka Jabuuti oo isku dayay in ay kala eryaan boqolaalka shacab ee munaasabadaasi isugu soo baxay.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu isku dhac ballaaran dhexmaray ciidammada iyo dadkii shacabka ahaa ee ka qeybgalaayay munaasabada, waxaa ayna ciidamadu sidaa ku fureen rasaas xoogan oo sababtay geerida iyo dhaawaca dadkaasi shacabka ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Hassan Omar Mohamed ayaa sheegay in rabshadaasi ay kiciyeen dhowr dhalinyaro ah kuwaasi oo markii horaba doonaayay in halkaasi ay ka sameeyan carqaladeynta xuska.

Wasiirka waxaa uu sheegay in rabshadaha kadib ay ciidammada rasaas ku dhufteen dhowrkii qof ee halkaasi kawaday foodada.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof, sidoo kalane uu dhaawac kasoo gaaray 9 ruux oo mid kamid ah la sheegay inuu ahaa Sargaal la socday Ciidamada oo lagu magacaabo Abubkar Maxamuud Aadan

Ugu danbeyntii, mucaaradka mas’uuliyiin u hadashay ayaa sheegay in weerarka iyaga lagu soo qaaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!