Rabshado laga soo sheegayo magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka xili doorashada lagu jiro

by Somali | Monday, Mar 4, 2013 | 23 views

kenya-rogo-security-340_227Mombaasa : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 ruux oo ay ku jiraan ciidamo booliiska dalka Kenya ah ay ku dhinteeb rabashado iyo shaqaaqo ka dhacday magaaalada, xili ay halkaa si caadi ah doorashada uga socto.

Wararku waxaa ay sheegayaa in goobaha loogu talagalay doorashada ama in dadku codkkooda ka dhiibtaan ay weerareen kooxo hubeysan, halkaasna waxay ku dileen 10-qof oo ay ku jireen shan ruux oo booliis ah, iyadoo kooxahaas ay ka baxsadeen goobta lana ogeyn cid ay ka tirsanaayeen.

Qof ku sugan xaafadda Kisoweni oo ka tirsan Mombassa ayaa sheegay inay maqleen rasaas aad u xoog badan, markii ay goobta tageenna ay ku arkeen maydadka askarta iyo dadka shacabka ah.

Inkastoo aysan jirin cid lagu eedeeyay weerarkaas ayaa haddana waxaa jira in koox lagu magcaabo MRC ay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalayn doorashooyinka Kenya, taasoo tuhun weyn dhalisay.

Marka la eego guud ahaan dalkaasi Kenya waxaa wadnaha farta looga hayaan rabasho ka dhashay doorashada in ay ka dilaacaan dalkaas, inkasoo marka la eego nabad-galyada siweyn loo adkeeyay.

Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay xalay gaari uu lahaa mid ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xisbiga ODM, waxaana ku dhintay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda, halka ay ku dhaawacantay haweeney dhakhtarad ahayd.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay rabashado ka dhacaan magaalooyinka ay ka dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sannadihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen degmooyinka rabashado salfaday nolosha dad aad u fara badan.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!