Rag ajnabi ah oo ku biiri lahaa Al-shabaab oo Dhoobley lagu xirray

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015

Jubbada hoose : HN :– Ciidammada maamulka Jubba ee ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubadda hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag Ajaanib ah oo doonaayay inay ku biiraan xoogaga Al-Shabaab.

Haybe Axmed C/laahi oo ka mid ah Saraakiisha ku sugan Degmada Dhoobleey, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen afar nin oo ajaanib ah, kuwaasoo ciidamada siyaabo kala duwan u qabteen.

Ajaanibta ay qabteen ayuu sheegay iney u kala dhasheen wadamada Kenya iyo Tanzania, wuxuuna xusay in ragga Tanzaniyanka ah ayraaskaanbooni qabteen, xilli ay kasoo gudbeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana meel qiyaastii 20-KM u jirta dhulka ay Shabaabka maamulaan oo Dhoobleey ku dhaw ay kasoo qabteen raggaan xilli ay sii socdeen.

Sarkaalkaan ayaa xusay inay gacanta ku dhigeen oo kale labo nin oo Kenyan ah kuwasoo mid ka mid ah baabuur kaga dagay magaalada Dhoobleey gudaheeda, kadibna ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka, markii dhankiisa loo dhaqaaqayna uu cararay, sidaasina ciidamada ay ku qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale qabtay nin kale oo Kenyan ah oo isna doonaayay inuu ku biiro Shabaabka, waxaana tirada ragga Ajaanibta ah ee la qabtay uu sarkaalkaan ku sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux.

Haybe ayaa sheegay in warqado ay wateen ragga ajaanibta ay ku qornaayeen magacyada Jilib iyo Bu’aale oo Shabaabka ay joogaan, sidoo kale waxaa ku qornaa ayuu yiri Nambaro talleefoon ah oo ay wateen shaqsiyaadka hagayay.

Haybe Axmed C/laahi, ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ciidamada soo qabteen labo nin oo Soomaali ah kuwaasoo Dhoobleey raashin uga iibinaayay xoogaga Al-shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!