Rag hubeysan oo gurigeeda magaalada Baydhabo ka kaxeystay haweeney ganacsato aheyd

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

Baydhabo : HN :–Dabley aan heybtooda la garaneynin ayaa xalay kala baxay guri ay ka dagganayd degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Haweeney lagu magacaabo Faadumo Sugow Aadan oo ganacsato ahayd.

Dableyda Afduubatay Haweenydan ayaan la ogeyn meel ay la aadeen Faadumo, iyadoo ciidamada Amniga Gobalka Bay ay sheegeen Baydhabo_Somalia_HOLinay wadaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan haweeneydan Ganacsatada ah ee xalay la Afduubay.

Haweenada la afduubay ayaa waxay dhashay toddoba caruur ah oo kan u yar uu jiro lix bilood, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdi Nuur Aadan oo ka mid ah ehellada haweeneyda la afduubay.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya shirar looga arrinsanayo soo xulista xubnaha baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia; iyadoo Magaalada ay soo gaarayaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha baarlamaanka Koonfu-galbeed.

Ugu dambeyn; Siyaasiyiinta fara badan ee soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno horay u tirsanaan jiray Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!