Rag hubeysan oo saddex ruux ku toogtay is-goyska KM4

by admin | Monday, Feb 16, 2015

Muqdisho : HN :–Inta la og-yahay saddex qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxo hubeysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaariga ay dadkan la dilay wateen.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa sheegay in gaariga ay wateen kooxaha hubeysan ay ku hor-jareen gaarigii ay dadka la dilay wateen, dabadeedna ay ku fureen rasaas taasoo keenta yin saddex qof oo ka mid ah kuwii gaariga saarnaa ay halkaas ku geeriyoodaan.

Weerarkan lagu dilay saddexda qof ayaa ka dhacay meel ku dhow hoteelka Naasa-hablood ee Muqdisho, iyadoo dilka kaddib ay2014527635367788308938304DSC_0026 kooxaha hubeysan isaga baxsadeen goobta.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen saddex ruux oo kale, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxda hubeysan ay bartilmaa-meedsanayeen mid ka mid ah shaqalaaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kalena aysan hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin weerarkan lagu dilay saddexda qof, saddexda kalena lagu dhaawacay.

Xarunta Soomaaliya ayaa waxaa xilliyadii dambe kusoo kordhayay weerarro ay geysna-yaan kooxo hubeysan oo wata gaadiid, iyadoo horay isgoyska KM-4 loogu dilay taliye ku xigeenkii waaxda socdaalka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!