Rag hubeysan oo wadaad caan ah ku dillay degmada Baadheere ee gobollka Gado

by Somali | Tuesday, Dec 4, 2012 | 26 views

Gado  : HN :  Rag bastoolado ku hubeysan ayaa galinkii danbe ee shalay ku toogtay magaalada Baardheere ee gobollka Gado wadaad siweyn looga garanayay guud ahaan gobollka.

Shiih Aadan Isaaq ‘’Madax-madow’’ ayeey kooxo hubeysan toogasho ku dilleen xili sida la sheegay uu waqtigaa ku soo jeeday masjid, iyadoo raggii dilka geystay goobta markiiba ka baxsadeen.

‘’Annaga koley labo nin ayaan aragna waa laga yaabaa in ay ka badnaayeen, bastooladu ayeey siteen, dhowr xabadood ay ku dhufteen wadaadka ayuu yiri,’’qof ku sugan magaalada Maardheere.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay dilka wadaadka iyo cida disha intaba, waxaana xusid mudan in degmada Baardheere ay maamulaan xoogagga Al-shabaab oo ilaa iyo hadda aan ka hadllay dilka wadaadka.

Dadka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa siweyn uga carooday dilka wadaadka, iyaga oo su’aalo iska weydiinaya sababta loo dilli karo wadaadka.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!