Rag hubeysan oo weerar toos ah ku qaaday wasaarrada hidaha iyo tacliinta Sare

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Muqdisho : HN :–Warar goor dhaw na soo gaaray  ayaa sheegay in weerar ismiidaamin lagu qaaday dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka isgoyska Zoppe ee Muqdisho.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in lqaraxyada kaddib rag hubeysan gudaha u galeen xarunta wasaarrada hidaha iyo tacliinta sare, kuwaa oo ilaa iyo waqtiga ka dhax-dagaallamaya.

Dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ayaa waxaa ku ag-dhow goobo ganacsi iyo hoteello, iyadoo sidoo kale darbiga Wasaradda_Hiddaha_talciinta_Sarewasaaradda lagu iibiyo jaad, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan oo qaad iibsanayay iyo kuwo kale oo iibinayay.

Sidoo kale, xarunta wasaaradda ayaa waxaa ku sugnaa shaqaalihii wasaarada qaarkood, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray qaraxan, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in qaraxa kaddib la maqlayay rasaas badan oo dhacaysa.

Illaa hadda lama oga khasaaraha inta uu la’eg yahay, iyadoo weerarkan uu noqonayo mid ka mid ah kuwii waaweynaa ee Muqdisho ka dhaca, iyadoo ciidammo badan ay xireen goobta.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!