Rag hubeysan oo weeraray Wargeys ku yaala Magaalada Paris, dhimashada oo 12 mareysa

by Yahye | Wednesday, Jan 7, 2015

Paris; HN;- Laba nin oo wejiyada soo duubatay, ayaa waxay weerar hubeysan ku qaadeen Wargeys la yiraa Charlie Hebdo, oo ah Wargeys toddobaadle ah oo ka soo baxa Magaalada Paris ee Xarunta Wadanka Faransiiska.

Toogashada, ayaa waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ku dhimatay, iyadoo 10 kalana ay ku dhaawacantay, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Paris.

FranceLabada nin ee weerarka geysatay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in kolkii hore ay gaari kaliya la socdeen, laakiin ay markii dambe ku baxsadeen laba gaari, iyagoo markaasi laba jiho u kala cararay.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo daqiiqado ka hor ka hadlay dhacdadaan, ayaa wuxuu ku sheegay weerar argagaxiso, isagoo dhinaca kalana cambaareeyay.

Wargeyskaan, ayaa sanadkii hore lagu weeraray qarax, markii kartoon jees jees ah uu ka sameeyay Nebi Muxamed Caleehi Salaatu Wasalaam, iyadoo Muslimiintana si weyn kaga caroodeen kartoonkaasi.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!