Rag hubeysan oo xalay Beledweyne ku dillay guddoomiye deegaan

by admin | Friday, Sep 26, 2014

Beledweyne : HN :– Fiidinimadii xalay ayeey rag hubeysan waxaa ay ku toogteen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne guddoomiyihii deegaannka Buq-goosar  oo lagu magacaabi jiray Aadan Max’ed Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka  maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim C/llaahi ayaa sheegay in labo nin oo baastoolado ku hubaysan in ayBastoolad ku dileen magaalada Beledweyne guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar oo lagu magacaabi jiray Macallin Aadan Max’ed Aadan.

Wuxuu  intaas ku daray inay ku raad joogaan raggii falka dilka gaystay, kuwasoo uu sheegay in caddaaladda la horgeyn doono.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka gudoomiyaha, iiyo waliba cidda ka danbeysay.

Deegaanka Buq-goosaar wuxuu 55 KM dhinaca galbeed ka xigaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wuxuuna ka mid yahay deegaannada dhowaan laga xoreeyay  kooxda Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!