Rag hubeysan oo xalay Beledweyne ku dillay mu’adin masaajid

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Beledweyne : HN :– Rag sidda la sheegay bastoolado ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay magaalada Beledwyene, gaar ahaan xafaadda howl-wadaag mu’adin masjid  oo lagu magacaabi jiray Sheekh Wardi Saalaxeey.

Mu’adinka la dilay ayaa siweyn looga garanayaya magaalada Beledweyne, waxaana la toogtay xili uu ku sii jeeday hoyga uu ka degan yahayBastoolad (1) magaalada, iyadoo kooxihii dailka geystayna markiiba goobta isaga baxsadeen.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda dhab ahaan ka danbeysa dilka marxuum-ka iyo sababta loo dillay intaba, hasse ahaatee saraakiisha ciidammada ayaa sheegay in ay waddaan baaritaan arrintaa la xiriira.

dilkana aya ku soo beegamaya xili labo habeen ka hor isla xaafadda howl-wadaag rag hubeysan ku dilleen guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!