Rag hubeysan oo xalay ku dillay qof rayid ah magaalada Gaalkacyo

by admin | Saturday, Oct 18, 2014

Gaalkacyo : HN :– Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dil ugu geystay nin rayid ahaa sida ay warbaahinta u xaqiiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Dableydu way ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyeen, uma suurta-glin ciidamada ammniga in ay gacanta ku dhigaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka maagaalada Gaalkacyo iyo laamaha amaanka ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ayBastoolad baarayaan oo ay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa ragga dilka geystay.

Waxay u soo jeediyeen shacabka magaalada Gaalkacyo inay gacan ka geystaan soo qabashada eedeysaneyaasha iyo adkaynta nabadgalyada gobolka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!