Rag hubsan oo galabta toogasho ku dillay guddoomiyihii hore ee degmada Isku-shuban

by admin | Wednesday, May 27, 2015

Bari : HN :–Rag hubeysan ayaa galabta toogasho ku diley C/risaaq Muuse Cartan oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dilka mas’uulkan oo uu ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Carta iyo degmada Carmo oo qiyaastii 100km dhanka koonfurta magaalada Boosaaso kaga beegan.

Marxuumka oo xilligii la dilayay la socdeen xubno qoyskiisa ka tirsan, kuna sii jeedey degmada Qardho, waxaa gaargiisa gaari kale kumedium_CjkpRtSb hor gooyey dhowr nin oo hubeysan kuwaasoo markii uu gaariga kasoo degey tacshriidad ku furey.

Ma cadda sababta ka dambeysey dilkaas, ilaa haddana lama aqoonsan haybta dableyda weerarka fulisey, sidoo kale saraakiisha hay’adaha amniga Puntland weli arrintaas kama hadlin.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dilkani salka ku hayo aano qabiil, inkastoo ilaa hadda warkaasi ahayn mid sugan.

Cabdirsaaq Muse Cartan oo dhowaan xilka wareejiyey wuxuu maayerka degmada Isku-shuban soo ahaa muddo ka badan lix sano.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax ah oo ay ka soo saareen dilka marxuumka mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!