Rag ku eedeysay kufsi oo lagu xiray deegaannka Leego ee gobollka Sh/hoose

by Somali | Thursday, Feb 21, 2013 | 2 views

Ciidamada-Dowladda-oo-aan-kielLeego : HN:  Wararka ka soo baxaya deegaannka Leego ee gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee halkaa ku sugan gacanta ku dhigeen dabley lagu eedeynayo in ay meel ku dhaw deegaannka Leego ka geysteen kufsi iyo Jirdil.

Abuukar C/llaahi Isaaq oo ah guddoomiyaha deegaannka Leego ee dowladda Soomaaliyaa ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay qabteen laba nin oo dabley ah oo dhawaan meel u dhow deegaankaas kufsi ugu geystay gabar Soomaaliyeed, isla markaana jirdilay aabaheed oo la socday.

‘’Raggan eedeysanayaasha ah waxaa u gudbinay maxkamada ciidamada si dacwad loogu qaado, mana aqbali doono in kooxo fidno wadayaal ah dhibaato u geystaan dadka shacabka ah,’’ ayuu yiri guddoomiyaha deegaannka Leego.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in cid kasta oo ku kacda fal kufsi ah xukunkeedu uu noqonayo dil toogasho ah, waxaana xusid mudan in go’aankaa dowladdu ka dhabeysay kadib markii bishii Jannaayo ee ina dhaaftay dil toogasho ah lagu fuliyay askar lagu hellay danbiyo la xiriira dil iyo kufsi.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!