Rag ku eedeysnaa dilkii Wariye Tima-cadde oo toogasho lagu fuliyay

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Maxkamada ciidammada qalabka sidda ayaa maata xukun dil ah u fulisay labo nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Allaha unaxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima cadde oo kooxo hubaysan Muqdisho ay ku dhaawaceen, dhaawaciina u dhintay.

Maxkamada ayaa sheegtay in labada ruux ee dilka u geystay wariyaha laga soo qabtay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, ayna qirteen inay ka dambeeyeen dilkaas.

Labada nin ayaa horay Maxkamada dil ku xukuntay, waxaana saakay lagu fuliyay dil fagaaraha School Polizio, halkaasoo saraakiil ka tirsan ciidamada ay goob joog ka ahaayeen.

Fagaaraha uu dilkan ka dhacayay ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa ehelada marxuumkii la dilay sida ay soo sheegayaanvlcsnap-2014-10-26-09h01m18s822 wariyeyaasha.

Mid ka mid ah ragga la dilay waxaa u dheeraa inuu dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Cabdulaahi Xuseen Maxamed ayaa raga la dilay saaka magacyadooda ku sheegay Cali Bashiir Cusman iyo Cabdulaahi Shariif Cusmaan.

Xukunkan ayaa ku soo aaday sanad kadib markii la dilay Wariye Tima Cadde, waxaana horay Maxkamada ciidamada qalabka sida ay fulisay dilal kala duwan.

Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo u shaqeynayay Telefishinka Universal ayaa 22-kii bishii October ee sanadkii hore lagu dhaawacay degmada Wadajir, iyadoo 27-kii isla bishaas uu u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!