Rag la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo afduub ka geystay Kenya

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Kenya : HN :– Dabley la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa lagu waramaya in ilaa shan ruux iyo gadiid ka soo qafaashen deegaanka lagu magacaabo Kiung oo ka tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo la afduubtay, xilli ay dooni la socdeen meel ku dhowAl-Shabaab fighters xeebaha Lamu.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan laga soo qafaashay Kenya lala soo aaday Soomaaliya, waxaana ciidamada booliska Kenya ay wadaan baadigoobka dadkaas iyo halka lala aaday.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo deegaanka ka dhaca, bil ka hor ayay aheyd markii nin darawal ahaa oo lagala degay gaadiid la gowracay, isla markaana ay kaxeysteen gaadiid iyo dad la socday oo aan tiradooda la heyn.

Al-Shabaab ayaa horay uga geysatay gudaha Kenya weeraro dad badan ku dhinteen, waxaana weerarkii ugu xumaa uu dhacay bishii June, markii dad kor u dhaafaya lixdan ruux lagu dilay deegaanka Mpeketoni.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!