Rag tuurey ku hubeysnaa oo haweeney ku dillay degmada Hodan

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka laga hellayo degmad Hodan ee gobolka Banaadir ayaa shegaya in rag toorey ku hubeysnaa habeenimadii xalay ku dilleen gudaha degmada haweeney ka mid aheyd dadka degmada.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Hodan Yuusuf ayaa ifka kaga tagtay labo caruur ah, waxaana ay aheyd Garoob, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ka hor inta aan la dilin ayaa Haweeneydan waxaa Taleefan ku wacay mid ka mid ah saddexdii dhalinyarada aheyd ee Tooreyda watay, kuwaasoo markii ay u timid 7-jeer qeybaha sare ee jirka ka geliyay Tooreydii.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay layaab ku noqotay, isla markaana Meydka gabadha la geeyay Xaruntamuqdisho (1) dambi baarista ee CID si sawiro looga qaado, loona baaro.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii labo gabar oo ka baxay Jaamacad, isla markaana Macalin noqday ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa bastoolado.

Todobaadkan gudihiisa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa tobaneeyo ruux oo isugu jiray askar, shaqaale ka tirsan wasaaradaha dowladda iyo dad rayid ah, iyadoo ciidamada ammaanka ay sabtidii toogasho ku dileen labo nin oo dil u geysatay askari ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

 

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!