Ra’iisal wasaaraha Britain oo sheegay in saraakiil militari u dirayaan Soomaaliya

by admin | Monday, Sep 28, 2015

London : HN :–Ra’iisal wasaaraha dalka Britain David Cameron  ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah ugu dhawaqay in boqolaal askari ay u dirayaan Bariga Afrika, si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka xagjirnimada iyo caawinta Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Ra’iiisal wasaaraha ayaa sheegay in ilaa 70 ka tirsan saraakiisha militariga dalkiisa u dirri doono Soomaaliya si markaa ay gacan u siiyaan ciidammada nabad ilaalinta ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisl wasaaraha ayaa sheegay in doorka ciidammadan uu noqon doonin dagaalka dhulka ee safka hore,CAMERON-POINT_2690622b balse ay ku lug lahaan doonaan tababarka iyo taageerida xaga saadka ee Ciidamada Nabad ilaalinta iyo bixinta khibrad Injineernimo.

Mr Cameron ayaa difaacay qorshihiisa uu xalay ku dhawaaqay isagoo xusay in ka qeyb qaadashada taageerida howlaha nabad ilaalinta ay ammaan iyo xasilooni ku keeni karto Gobolka, isla markaana ugu dambeyn Britain ka dhigi karta mid ammaan ah, isla markaana hoos u dhigta qul qulka muhaajiriinta imaanaya Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale sheegay inay qaadan doonaan taxadar aad u weyn oo ku aadan sidii looga fikiri lahaa ammaanka iyo nabadgelyada Ciidamadan.

Laakiin Ciidamada cusub ee Britain u direyso Bariga Afrika ayaa waxay keeni kartaa su’aalooyin sida ciidan ka tagaya gurigooda oo u kicitimaya goobo dagaal oo u jira Britain ilaa kun mile

Ugu dambeynm, waxaa la fillayaa in ra’iisal wasaaree Cameron maanta si rasmi ugu dhawaaqaya qorshihiisan, isagoo garab fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ka furmaya New York.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!