Ra’iisal wasaaraha dalka India oo booqasho taariikh ah ku tagay dalka Pakistan

by wadani | Friday, Dec 25, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa booqasho kedis ah ku tagay dalka Pakistan, gaar ahaan magaalada Lahore, halkaasoo la filayo inuu kula kulmo dhigiisa Pakistan Nawaz Sharif.

Mr Modi ayaa ka soo laabtay dalka Afghanistan oo uu booqasho ku joogay, waxaana tagitaankiisa Lahore uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.narendramodi_505_040814111858

Ra’iisul Wasaaraha India ayaa la sheegay inuu dib ugu laaban rabay dalkiisa, balse lama filaan diyaaradiisa ay uga degtay magaalada Lahore.

Narendra Modi ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii u horeeyay India oo booqda Afghanistan tan iyo sanadkii 2004-tii.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha India ayaa ku soo beegantay, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ay maanta ku beegan tahay.

Ugu danbeyntii, Pakistan iyo India ayaa tan iyo markii ay madax banaanida ka qaateen dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhex maray dagaalo u dhaxeeyay.Xiriirka labada dal ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid sii xumaanayay, hase ahaatee dhowaanahan dib u soo hagaagay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!