Ra’iisal wasaaraha oo laga yaabo in uu saakay hortago xildhibaannada baarlamaanka

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka doodayaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, ayaa dhinaca kale warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in ra’iisal wasaaruhu uu hor yimaado baarlamaanka si uu isaga difaaco eedeymaha ku qoran mooshinka.

Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya  ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu hor imaanayo, si uu isuraisal difaaco, waxaase xusuus mudan in ra’iisul wasaarihii ka horeeyay ee Saacid aan fursadaan loo ogolaan, isla markaana markii uu Gudoonka weydiistayna loo diiday.

Dooda mooshinka ayaa marka ay maanta dhacdo, lana aqriyo magacyada xildhibaanada saxiixay ayaa la filayaa in maalinta sabtida si kama dambeys ah cod loogu qaado, si mooshinka loo soo afjaro.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameeyay hey’adaha dowladda, waxaana uu kala qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana saddex jeer oo hore kulamadii Baarlamaanka ay noqdeen kuwo buuq iyo fowdo ay hareeyeen, inkastoo heshiis laga gaaray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!