Ra’iisal wasaaraha oo mar kale codsi u gudbiyay baarlamaanka

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheeegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke warqad u dirray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ka dalbanaya mudanayaasha in waqti kale la siinayo si uu mudo gaaban gudaheed ugu soo dhiso xukuumada inta ka dhisam ee wasiir ku-xigeennada iyo wasiirru-dowlanayaasha.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa muuqada shaqi wali shaki badan ka qaba baarlamaanka oo guuxaha maalmihii ugu danbeeyay ka soo317x238xSomali_PM.jpg.pagespeed.ic.LoLWrIDGka baxayay laga dhadhan-san karay in aysan aqbali doonin xukuumada magacaaban ee ka kooban 20 wasiir.

Codsiga ra’iisal wasaaraha ayaa la ogeyn in baarlamaanka aqbali doono iyo in kale hasse ahaatee xildhada qaarkood ayaa diidan in codsi dheeraad la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, maadaama horay uu u heystay 14 cisho uu Xukuumadda dhameystiran ku soo dhisi karay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu hor imaan doono Baarlamaanka, halka warar kalena ay sheegayaan in warqada codsiga uu soo diray kaliya laga akhrin doono.

Lama oga go’aanka ka soo bixi doona Gudoonka sida uu noqon doono, in Xukuumadda cod loo qaadi doono iyo in mudadaas uu codsaday loogu dari doono, iyadoo laga yaabo in codsigan marka uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aqriyo in Xildhibaanada dood ka keenaan, waxaana 5-ta Bisha Febraayo ay tahay maalinta la soo xiri doono Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!