Ra’iisal wasaaraha oo qorsheynaya in uu xilka ka qaado qaar ka mid ah gollihiisa wasiirrada

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Cabdiweli-Sheekh-AxmedMuqdisho : HN :– Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya xiligan wadda tashiyo la leeyahay taageerayaashiisa ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirrada, isaga oo qorsheynaya in uu xilka ka qaado tiro wasiirro ah oo la sheegay in ay la safan yihiin madaxweynaha.

Sidda warar hoose oo soo baxaya sheegayaan ra’iisal wasaaraha ayaa damacsan in uu xil ka qaadis ku sameeyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasirrka arrimaha gudaha, C/llaahi Goodax Bare, wasiirrka Gaashandhiga Max’ed Xassan Xaamud, wasiirrka garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir, wasiirrka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, wasiirrka arrimaha dibada iyo wasiirro kale oo ka tirsan xukuumada.

Go’aanka laga yaabo in uu qaato ra’iisal wasaaraha ee lagu badallo xubnaha gollaha wasiirrada, ayaa laga yabaa in xaalada uga sii darto, waxaana xusid mudan in xubnaha hadda la hadal hayo in la badallayo safka hore uga jiraan liiska xubno golle wasiirro ah oo dhawaan ra’iisal wasaaraha ka dalbaday in uu xafiiska baneeyo.

Taageerayaasha madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa wali ku guuleysan la’a in ay xafiiska ka diraan ra’iisal wasaaraha oo gacan ka hellaya xubno ka tirsan gollaha wasiirrada iyo xildhibaanno difaacaya si uu xafiiska u sii joogo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!