Ra’iisal wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay soo dhaweynta M Turkiga

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Muqdisho : HN :-Shirka golaha wasiirrada ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu shir-guddooominayay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke looga hadlay ammaanka Somalia iyo soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo berri imanaya Muqdisho.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo kaddib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka Qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in laga hortagay weeraro ay kooxaha nabadda diidan doonayeen inay ku car-qaladeeyaan amniga Qaranka, gaar ahaan gobollada Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in goluhu uu ka hadlay sidii Muqdisho loogu soo dhaweyn lahaa madaxweynaha dalka Turkiga oounnamed-41 maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku iman doono Somalia, iyadoo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameyn doono dalka inta uu joogo, isla markaana uu xariga ka jari doono mashaariic muhiim ah oo kamid yahay dhismaha qaybo garoonka ka mid ah.

“Dalka waxaa maalinta berri ah soo gaari doono madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan waxana mudada uu joogo uu xarigga ka jari doonaa mashaariic uu ka mid yahay garoonka Muqdisho. Waxaana loo saaray guddi heer wasiir ah oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaga Turkiga inta uu dalka joogana waxaa dhici doono heshiisyo dhowr ah oo dowladdu la geli doono Turkiga,” ayuu yiri Ridwaan Xaaji.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa uga mahad-celiyey xubnaha golaha wasiirrada ee xilalka sii-haya dadaalkii iyo shaqooyinkii badnaa ee ay soo qabteen muddadii ay xilka hayeen, wuxuna faray in loo baahan yahay xiligan inay qayb ka qaataan sidii dalku horey ugu sii socon lahaa, loogana gudbi lahaa aragtiyada kala duwan ee sababaya dib u dhaca dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!