Ra’iisal wasaaraha Sharm’arke oo gaaray xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan qaxooti Soomaaliyeed

by admin | Friday, Nov 6, 2015

Dhadhaab : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, ayaa maanta markii ugu horeysay safar ku tagay xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin marka la eego qaxootiga Soomaalida ugu badan ee isaga cararay dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha  ayaa booqashadiisa ku kala bixiyay qeybaha kala duwan ee qaxootiga ay degen yihiin iyo halka laga soo dhoofiyo dadka qaxootiga ah. Ammaanka xeryaha qaxootiga ah ayaa la adkeeyay iyadoo hore wasiirka amniga ee dowlada Kenya uu booqday xeryahaas.Sharma'arkekke

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay madaxda xeryaha qaxootiga Soomaalida ah isagoo ka dhagaysatay dhibaatooyinka ka jira xeryaha iyo baahidooda. Waxana uu ra’iisal wasaaraha u sheegay dadka uu la kulmay in dalka haatan uu yahay nabad isla markaana ay imana karaan noloshoodana dib u bilaabi karaan.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka diyaarka u ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan waxaana qaxootigaas ay sheegeen inay diyaar yihiin ayna doonayaan inay dib ugu laabtaan gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo.

Kumanaan Soomaali ah ayaa weli ku sugan xeryaha qaxootiga ah ee ku yaal dalka Kenya iyagoo ka cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii dowladda Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa ku heshiiyay in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah balse aan la qasbin cidii doonaysa inay iska sii joogto dalka Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!