Ra’iisal wasaare Cabdiwali” madaxweynaha waa uu ka dhaga-adeygay in xaliyo khilaafka

by admin | Wednesday, Nov 26, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in marar badan leysku dayay sidda uu hadalka u dhigay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, laakiin madaxweynaha dhiciisa uu dhagaha ka fureystay arrintaa iyada ah, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in mar walba uu dhiciisa diyaar u yahay arrintaa iyada ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu khilaafku sii socdo ay xaalada uu sii cakirnaan doonto sidda daraadeed loo baahan yahay inYulcade lala yimaado aragti taa ka duwan si loo badbaadiyo ayuu yiri Qaranka, waxaana uu sheegay in aysan jirin cid sharciga dalka ka sareyn karta.

“Go’aankeyga waxa weeye inaan ku taagnaano Dastuurka iyo sharciga arintaana lagu xaliyo wadahadal iyo wadaxaajood dhinacyada is haya oo dhan ay kasoo qaybgalaan oo cadaalad ah oo dadkeena oo dhan ay ogaadaan”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Khilaafka madaxda dowladda ka dhexjira ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhamaan hay’adihii dowladda ee looga fadhiyay inay shaqooyinka bulshada u qabtaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!