Ra’iisal wasaare Cabdiwali oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

RawMuqdisho : HN :– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Somalia uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah faahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta berri ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay.

Xidlhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta cod gaaraya 153 xildhibaan waxaa ay kalsoonida kala noqdeen ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa, halka 80 xildhibaanna ay taageertay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!