Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo bari hortagaya baarlamaanka

by admin | Tuesday, Dec 23, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib kulan guddoonka baarlamaanka iyo guddiga joogta ah ay ku yeesheen xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho,ayaa ugu danbeyntii lagu go’aamiyay in maalinta bari ah ra’iisal wasaare Cumar C/rashiiid Cali Sharma’arke oo hortago baarlamaanka si codka kalsoonida loogu weydiiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa ujeeddada kulanka ku sheegay sidii loo waqtiyeyn lahaa xilliga sida rasmiga ah loo hor-imaanayo RW Sharma’arke baarlamaanka, isagoo xusay inay isla garteen in berri oo Arbaco ah ay noqoto inuu horyimaado baarlamaanka.

Xog-hayaha baarlamaanka, C/kariim Xaaji Cabdi Buux oo warbaahinta kula hadlay xarunta Villa Hargeysa, kulanka kaddib ayaa sheegay inuu maalinta berri ah hor-imaanayo golaha baarlamaanka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha magaacaban, taas oo uu ku sheegay mid uu kalsoonida ku weydiisanayo xildhibaannada.

“Maalinta berri ah oo Arbaco ah ayaa la go’aamiyay in baarlamaanka hor-yimaado ra’iisul wasaare Sharma’arke si codka kalsoonida ah ay xildhibaannadu ugu qaadaan,” ayuu yiri Buux oo la hadlayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay wuxuu kulammo la lahaa xildhibaannadaJawariikar baarlamaanka, si codka kalsoonida uu uga helo, waxaana haddii uu kalsooni helo uu soo dhisi doonaa xukuumaddiisa.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa kulanka baarlamaanka eeb erri lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka xukuumadda uu soo dhisi doono, taasoo bedelaysa xukuumaddii hore oo weli howsha sii wadda.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo ku aaddan go’aanka guddoonka baarlamanka ee ah inuu berri horyimaado si codka kalsoonida loogu qaado.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!