Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo cambareeyay weerarkii saldhiga Xalane

by admin | Friday, Dec 26, 2014

Muqdisho : HN :– Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadllay weerarkii dabley ka tirsan kooxaha Al-shabaab ay shalay ku qaadeen xerada Xalane ee ciidamadda midowga Africa ee Soomaaliya oo ku taalla Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cumar C/rashiid ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku dhintay falkaas isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, wuxuna tilmaamay in kooxaha Al-shabaab marnaba ayan is hor istaagi karin hannaanka nabad ku soo dabaalidda dalka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha AMISOM iyo buslahada Caalamka inay ka hortagaan ficillada ay gaysanayaan argagaxisadu.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday xerada ciidamadda AMISOM ee muqdisho. Midowga Africa waa saaxiib aan leennahay oo gacan naga siiya sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda isugu taagi lahayd, sidaa daraadeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ka xunyiin beegsiga xeradaas”

“Weerarkaan wuxuu na-tusayaa sida ay u wiiqan tay awoodda Argagixisada, iyagoo ku soo koobay howl galladooda isCumarcaloo qarxin iyo weeraro naf-lacaarinimo ah. Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u wajahno isku dayada aan ku badbaadinayno shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee dalka martida ku ah” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke oo intaas raaciyay kadib Werarkaan argagaxisadu soo qaaday, dowladu in ay isku howlayso baaritaano lagu xaqiijinayo meelaha jilicsan ee argagxisadu weeararada ka soo qaadi karto iyo qaababka u sahlaya inuu dhaco weerar noocaan ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay Xukuumaddiisu in ay muhiimadda koobaad siin doonto sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka dhacda dalka oo dhan, si muwaadin walba ugu noolaado isagoon wax cabsi ah ka qabin kooxaha argagaxisada ee caadeystay daadinta dhiiga dadka bulshada indha hooda ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!