Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Kismaayo : HN :—Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubbada Hoose, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda maamulka Jubba.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha degmada Kismaayo kusoo dhaweeyay madax uu ka mid yahay Sharmaarke_oo_Kismaayo_Gaaray_HOLmadaxweynaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo xubnaha labada gole ee Maamulkiisa.

Booqashada ra’iisal wasaare Sharm’arke ayaa ah mid la xiriirta xallinta mudan soo dhexgalay maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ah ee Somalia, kaasoo ka dhashay Mooshin laga keenay Baarlamaanka Jubbaland oo uu ansixiyay Baarlamaanka FS.

Amaanka Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la sheegay in wafdiga  RW Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ay u socdaan kulammo aan kala kac lahayn.

RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxay kasoo kicitimeen dalka Kenya, kaddib markii ay kasoo laabteen socdaal ay ku tageen Mareykanka oo ay kaga qaybgaleen kulan uu lahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!