Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, May 26, 2015

Kismaayo : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo wafdigiisa  waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Jubaland, iyadoo loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo la filayo inuu kulamo kula qaato Madaxda Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa shegaya in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay salka ku heyso sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa arrintaSharmaarke Baarlamaanka Jubbaland, kadib markii Golaha Wasiirada shirkoodii khamiistii looga dalbaday Baarlamaanka inuu hakiyo mooshinka muddo labo todobaad ah.

Waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubba arrinta ku saabsan cabashada ka jirta dhismaha Baarlamaanka Jubba iyo mooshinka ay ka soo gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maalmo ka hor Kismaayo ka sheegay in haddii Baarlamaanka uu meel mariyo mooshinkaas ay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka, waxaana uu si kulul u weeraray Baarlamaanka Federaalka.

Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa Jubba Axmed Madoobe ayaa dhawaan shir jaraa’id ka sheegay  in haddii la sii waddo mooshinka ka dhanaka ah baarlamaanka Jubba uu cilaaqaadka u jiri doono dowladda dhexe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!