Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ka fikiraya qaab dhismeedka xukuumadiisa

by admin | Tuesday, Feb 3, 2015

Muqdisho : HN :– Xili maalmo kooban ay ka harsan yihiin waqtigii 10ka cisho ee la siiyay ra’iisal wasaar Cumar C/rashiid in uu dib u eegis iyo dhameystir intaba uu ku sameeyo xubnaha gollaha wasiirrada ee magacaaban, ayaa la leeyahay waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soconaya wadda tashiyo iyo kulamo xoog leh oo looga arisanayo nooca xukuumada laga fillan karo ra’iisal wasaaraha maalmaha nagu soo foolka leh.

Ra’iisal wasaaraha oo hadda dhibaatada ugu badan kala kulmaya xubnaha gollaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la leeyahay waxaa suurtagal in ay tiro xildhibaanno ah uu ku soo daro xukuumada soo socta, gaar ahaan xildhibaannadaas, ayaa ka iman doona sidda la sheegay kudlladaha isku tagay ee ka soo horjeeda habka loo maamulayo dhismaha xukuumada.

Siddoo kale, ra’iisal wasaaraha ayaa la fillayaa in badan oo ka mid ah wasiirrada hadda magacaaban in uu isbadal ku sameyn doono lana317x238xSomali_PM.jpg.pagespeed.ic.LoLWrIDGka soo magacaabi doono wajiyo kale oo cusub, inkastoo aan la ogeyn tirada wasiirrada laga yaabo in uu isbadalku saameeyo.

Xukuumadda la dhameystirayo ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo ilaa 25-Wasaaradood, sida uu Ra’iisul Wasaaruhu sabtidii ka sheegay Baarlamaanka, taasoo ah inuu ku jaangooyo Miisaamiyada dowladda oo ah, waxaana uu u baahnayaa in 20-kii wasiir ee uu soo magacaabay inuu ku daro shan wasiiro.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ayay u badan tahay inay ka yimaadaan Baarlamaanka, waxaana tallaabadan ay tahay mid uu u qaadayo sidii uu ku yareyn lahaa culeyska baaxada leh ee uga imaanaya Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xoojiyay wada tashiyadiisa uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka labadii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu haatan heystaa lix cisho oo uga harsan mudada 10-ka cisho ee dheeraadka uu weydiistay Baarlamaanka inuu ku soo dhameystirayo Xukuumadda,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!