Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ka hadllay weerarkii hotel Central

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Weerarkaan waxaa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xilgaas u taagnaa gudashada waajibaadka Salaadda Jimce,unnamed-13 fikirka ay xambaarsan yihiin nabad diidku waa mid lagula dagaalamayo diinteena suuban. Waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna ilaahay siiyo caafimaad taam ah. Waxayna shalay noo ahayd maalin murugo oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan dadkii qaaliga ahaa ee naftooda ku weeyay weerarkaas”

Ra’iisal wasaaraha ayaa yiri“Falkan wuxuu na tusayaa in kooxaha nabad diidku ay cadaawad u qabaan dadka Soomaaliyeed, kuna beegsanayaan masaajidada iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxayna ka soo horjeedaan Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, horumarna ku talaabsatay, mana aqbalayno dhaqamadaan ay ku dheehan tahay cadowtinimadu”

“Xukuumadda iyo shcabka Soomaaliyeed oo midaysan waxay diyaar u yihiin iney ka qayb qaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortagi lahaa kooxaha caadaystay weerarada waxashnimada ah”. ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke oo dhanka kale weydiistay beesha caalamka inay gacan ka geysato ciribtirka kooxaha argagixisada.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xalay kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheikh Maxamud , golaha Wasiirada iyo laamaha amniga, kaas logu sameeyey laba gudi oo midna baaritaan ku sameeya sidii wax u dhaceen, midna uu gacan ka gaysanayo sidii gar-gaar caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney gacan ku siiyaan ciidamada howlaha lagu sugayo amniga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!