Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo kala diray xukuumadii uu dhawaan soo dhisay

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa habeenimadii xalay go’aan ku gaaray in uu kala dirro xukuumadii uu dhawaan soo dhisay, taa oo saakay lagu wadda in ay hortagto mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u weydiisato.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya qoraal uu u soo gudbiyay waxaa uu kaga dalbaday in la siiyo mudo 14 cisho ah oo uu ku soo dhiso xukuumad cusub, isaga oo qoraal uu u soo dirray guddoonka baarlamaanka ku sheegay in uu ka laabtay dhismaha xukuumadii hore.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Bashiir Ugaas, ayaa u sheegay warbaahinta uuSharma'arke_Somalia_New_PM aqriyay nuqul ka mid ah qoraalka uu soo dirray ra’iisal wasaaraha oo u dhignaa in uu ka laabtay xukuumadii uu horay u soo dhisay, islamarkaana uu soo magacabi doono xukuumad cusub.

Lama oga in tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaaraha isla og-yihiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo in kale.

Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha uu tallaabadan qaatay kaddib markii uu ogaaday in wax kalsooni ah xukuumadiisa ka heli doonin baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, xukuuumaddan ayaa waxaa ku jiro wasiirro horay uga tirsanaa xukuumadihii hore, kuwaasoo xildhibaannadu ay ku eedeeyeen inaysan ahayn kuwo wadi kara howlaha laga sugayo xukuumadda cusub.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!