Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo kormeeray dekeda Muqdisho

by admin | Sunday, May 24, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Soomaailya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta kormeer ku tagay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, kormeerka ayaa u jeedkiisu ahaa inuu u kuurgalo habsami u socodka howlaha ka socda Dekedda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa indha indheyn ku sameeyay qeybo ka mid ah Dekeda Muqdisho, iyo shaqooyinka ka socda.
Kormeerka kadib ayaa Ra”iisul Wasaaruhu waxaa uu kulan la qaatay Maareeyaha Dakeda iyo masuuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga ee gacanta ku heysa maamulka Dakeda Muqdisho.

Maareeyaha Dekeda magaalada Muqdisho Cabdullaahi Cali Nuur ayaa kulankaasi kaddib waxaa uu la hadlay saxaafada, isagoo u dekedaafaah-faahiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen Ra’iisul Wasaare Cumar.

“Maanta waxaa booqasho noogu yimid, Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka mid ah howlmaalmeedka dowladda, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan sida garoonka diyaaradaha iyo Dakedda, Ra’iisul Wasaaraha isagoo arrimahaas u kuurgalaya ayuu na soo booqdey, warbixinno ayaana ka siinay, waxaana u gudbinay waxyaabihii qamsoomay todobadii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri maareeyaha Dekeda.

Dhanka kale Maareeyaha Dekedda Muqdisho, mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ka jiro Dakedda, sida; qalabka lagu qabto howlaha Dakedda iyo qaabka howlgalka oo noqdey mid la mid ah Dekadaha waa weyn ee dalka.

“Waxaa Dekeda ka muuqda isbadel la taaban karo, burburka dalka ku dhacay ayaa dakedda saameeyey, laakin hadda awood ay kula tartami karto dekedaha adduunka ayeey leedahay, Maraakiibta oo todobaadka taagnaan jirtay hadda 48 saacadood gudahood ayaa lagu dajiyaa, waa nidaamka dekedaha caalamka oo kale, waana horumar weyn oo uu dalka gaaray” ayuu intaa raaciyey.

Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya Shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga, waxaana weli ka socda dhismayaal waa weyn oo loogu talagalay in lagu ballaariyo Dakeda, si ay u qaaddo miisaanka baaxadda leh ee dhinacyada Ganacsiga iyo alaabaha kale ee la keenno dalka, waana mid ka mid ah ilaha ugu waa weyn dhaqaalaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!