Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku dhawaaqaya gollaha wasiirrada saacadaha soo socda

by admin | Thursday, Jan 8, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo lagu waddo in maalinta Sabtiga ah magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wasiirro-arrimo dibadeedka urur gobolleedka IGAD ayuu qorsheynayaa ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo gollaha wasiirrada cusub ee xukuumadiisa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muhiimad siinaya in shirka wasiirro-arrimo dibadeedka urur goboleedka IGAD uu ka furmoSharop caasimada Muqdisho iyadoo ay dhisan tahay xukuumada.

Shirkan ayaa noqon doona taariikhda markii u horeysay oo Soomaaliya ka dhaco muddo 24-sano ah, iyadoo dowladda Federaalka ay diyaar garow xoogan ugu jirto qabsoomida shirkan.

Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan 25 Wasiir, waxaana ka soo muuqan doona xubno horay uga tirsanaa xukuumadii hore iyo xubno cusub, waxaana mudooyinkan jiray loolan ay dad badan ugu jireen ka mid noqoshada Golaha Wasiirada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!