Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku sii jeeda degmada Guri-ceel

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu booqasho ku tago Gobolka Galgaduud, taasoo noqoneysa booqashadiisa u horeysay oo uu meel ka baxsan Muqdisho ku tago tan iyo markii la magacaabay.

Sida ay sheegayaan wararka ra’iisul wasaaraha iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa ugu horeyn ku hormari doona xarunta Galgaduud ee Dhuusa Mareeb, halkaasoo uu diyaarad ku tagi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu ka jeediyo khudbad shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa-mareeb, isagoo dhiira gelin Sharmaarkedoono shirka maamul u sameynta gobolada dhexe oo qorshihiisa yahay inuu dhowaan ka furmo degmada Cadaado.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in qaban qaabada soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha ay ka socoto magaalada, iyadoo amniga si aad ah loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gudbi doona degmada Guriceel, isagoo safar dhinaca dhulka ah ku tagi doono, wararka ayaa sheegaya inuu halkaas kula kulmi doono Mas’uuliyiinta Ahlusuna, iyadoo socdaalkiisana uu xoojinayo heshiiskii Khamiistii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlusuna, kaasoo lagu soo afjarayay dagaaladii ka dhacay Guriceel.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Galgaduud ayaa maalmahan la hadal hayay, iyadoo diyaar garow iyo qaban qaabo ay labadii maalmood ka socotay degmada Dhuusa Mareeb.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii la soo dhaafay booqday degmada Dhuusa Mareeb, iyadoo xilligii uu tagayay dagaalo ka socdeen degmada Guriceel.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!