Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku wajahan degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke ayaa lagu waddaa in uu booqdo xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusa-mareeb.

Degmada Dhuusa-mareeb waxaa ka socda shirka dib u heshiisiinta beelaha degga gobollada dhexe,ilaa dhowr beelod ayaaba xilli hore heshiisyo gaaray.

Wali ma jiro war lugu xaqiijiyay booqashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo laga soo saaray xafiiska Sharma’arke iyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ahmiyad gaar ah siineysa shirkaas oo gogol xaar u ah shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyoSharmaarke Galgaduud oo dhowaan la filayo inuu ka dhaco degmada Cadaado.

“Xukuumadda waxaa ay si gaar ah ahmiyaad u siinaya dhismaha maamulka gobollada dhexe,”ayaa lugu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Dib ayuu u dhacay qorsha lugu raadinayay dhismaha maamulka koonfurta gobolka Mudug iyo gobolka Galgaduud,kaddib colaado ku soo noq noqday Guriceel iyo isfahan waa ku dhex jira xubnaha ku howlan dhismaha maamulka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!