Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo la kulmay saraakiishii ka gadooday maamulka Puntland

by admin | Thursday, Jul 16, 2015

Garoowe : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Garoowe saraakiishii hogaamineysay ciidamadii dhowaan ka gadooday Maamulka Puntland, kuwaasoo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Nugaal.

Ciidamada ka gadooday Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Jen. Muxiyadiin Muuse Axmed Muuse iyo Col. Cabdi Yare, waxaana shalay si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe, markii uu u yeeray Ra’iisul Wasaaraha.Sharma'arkekke

Wararka ayaa sheegaya in labadan sarkaal ee gadooday xalay kulan albaabada u xirnaa oo muddo saacado  ah socday la qaateen Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kadib kulan gaar gaar la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Jubba.

Kulamadan ayaa looga hadlayay sidii ciidamada gadooday dib loogu soo celin lahaa, isla markaana tabashooyinkooda la xaliyo, si meesha looga saaro muranka iyaga iyo Hogaanka Puntland u dhaxeeya.

Ugu danbeyntii saraakiisha oo dhinacooda la hadashay warbaahinta ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in xal laga gaaro khilaafka, isla markaana ay aqbali doonaan awaamiirta uga imaaneysa madaxda, waxgaradka iyo bulshada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!