Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo maanta kormeer ku tagay wasaarrada gaashaadhiga

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’isal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xukuumadii hore oo gaar ahaan ku-simaha wasiirrka gaashaandhiga ayaa maanta kormeeray wasaarrada difaaca dowladda Soomaaliya iyo isbitaalka xoogga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Dahir Aaden Cilmi oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey inuu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

“Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xoogga.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loo soo celiyay kaalintii bulshada, iyagoo ku soo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soocumardihaa dhabar-adeegeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isagoo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga Jen. Dahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka, isagoo xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!