Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Muqdisho ka furay shirweynaha dhalinyarrada

by wadani | Friday, Dec 18, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka furay shir-weynaha qaranka dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Waxaa ka qayb-galaya dhallinyarro ka timid gobollada dalka iyo kuwo matalaya dhallinyaradda Soomaalida ah ee ku nool dalalka dibadda,waxuuna ka furmay xarunta ciidammada cirka ee Afisiyooni.

Ra’iisul wasaaraha waxuu u sheegay dhallinyaradda Soomaaliyeed in looga bahan-yahay kaalin muhiim ah inay ka

Somalia's Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015.  REUTERS/Noor Khamis

Somalia’s Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015. REUTERS/Noor Khamis

qaatan sidii Soomaaliya meel fiican loo gaarsin lahaa,maadaama ay yihiin Jiilkii badali lahaa.

“Waxaa looga bahan-yahay dhallinyaradda ayaa ah inay agsoonadan dalka inuu u bahan-yahay oo ay door ka qaatan sidii meel fiican dalka loo garsiin lahaa,”ayuu yiri ra’iisul wasaare Sharma’arke oo furitanka shirka khudbad ka jeediyay.

Dhinaca kale,qaar ka mid ah dhallinyaradda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool ayaa ku dhaliilay wasaaradda dhallinyaradda inay muhiimadda koobad siisey oo tiradda ugu badan ay shirka ku leeyihiin dhallinyaradda qurba-joogta ah oo ay u arkan inay kaga xaqleeyihiin.

Waxaa loo arka dhallinyaradda Soomaalida inay door muuqda ka qaadan kaaran soo celinta waayihii wanagsan ee dalka,maaddama dadka dagaallada loo adagsado ay iygu yihiin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!