Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo saakay hortagay baarlamaanka

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu la socdo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu waddaa in uu saakay hortago baarlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida u weydiisto.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa la filayaa inay codka kalsoonida u qaadaan, iyadoo Madaxweynaha sida sharciga ah uu horgeyn doono Ra’iisul Wasaarihiisa, waxaana tan iyo xalay socday kulamo gaar gaar ahaa oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha magacaabay la yeelanayeen Xildhibaanada.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay cod gacan taag ah u qaadi doonaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid,Cumarcaloo waxaana ay u badan tahay inuu helo aqlabiyada baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in uu khudbad hor-dhac u ah tan ra’iisal wasaare Cumar ka jeediyey baarlamaanka Soomaaliya kana dalbado in loo ansixiyo ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa la filayaa inuu ka jeediyo fadhiga Baarlamaanka khudbad dheer oo uu barnaamijkiisa Xukuumada kaga hadli doono iyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabi doono marka uu codka kalsoonida helo.

Kulan ay shalay xarunta Villa Hargaysa ku yeesheen guddoonka baarlamanka Soomaaliya iyo guddiyada joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay in maanta oo Arbaco ah uu baarlamaanka horyimaado ra’iisul wasaaraha magaacaban, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo bartamihii bishan xilka loo magacaabay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!