Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo shaaciyay tirada xubnaha gollihiisa wasiirrada

by admin | Saturday, Dec 27, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo lagu waddo in maalmaha nagu soo foolka leh ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu ku dhawaaqo xukuumadiisa cusub, ayuu shaaciyay tirada xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada la fillayo in uu soo dhiso.

Waxaa uu sheegay in xunaha gollaha wasiirrada uu soo magacaabi doono noqonayaan kuwo awood u leh sidda u hadalka u dhigay howlaha baaxada leh ee hor yaalla, islamarkaana ka koooban qaabaa’ilka Soomaalida oo idil.

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay ka koobnaan doontaa 25 wasiir iyo ku-xigeennadooda, cid walba way istaahishaa in wasiir laga dhigo, balse in kooban ayaa wasiirro noqonaysa, waxaana codsanayaa in lala shaqeeyo,” ayuu hadalkiusa ku daray Sharma’arke.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in golihiisa wasiirrada ay noqon doonaan kuwo iskuCumarcaloo dheelli-tiran, inkastoo uusan sheegin inay isugu jiri doonaan rag iyo dumar iyo in kale.

Mar uu ka hadlay qorshaha horyaalla xukuumaddiisa ayuu sheegay inay ugu horreyn ahmiyadda siinayaan sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed oo lagu shaqeyn karo, sidoo kalena ay amniga sugi doonaan.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dhismaha ciidamada, isagoo shaaciyay inay ka go’an tahay in marka la gaaro sannadka 2017-ka ay doonayaan in dalku yeesho ciidammo Qaran oo awood leh.

“Ciidamada dhismahooda markaan ka hadlo, waxaan doonaynaa in ciidanka dowladda dhexe ay noqdaan kuwo ka yimaada gobollada dalka oo dhan, si la mid ah sidaasna ay ciidamada maamullada gobollada noqdaan kuwo iyaguna isku dhafan,” ayuu Sharma’arke hadalkiisa ku daray.

Ugu dabmeyn, Cumar C/rashiid ayaa ka gaabsaday inuu sheego xilliga uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirrada, wuxuuse xusay inuu wada-tashiyo kala duwan kala la yeelanayo dhismaha xukuumaddiisa, madaxweynaha Somalia, xildhibaannada baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!