Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo wada hadal la leh madaxda maamulka Jubba

by admin | Wednesday, May 27, 2015

Kismaayo : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa halka wadda hadallo kula leh madaxda maamulka Jubba gaar ahaan madaxweynaha Jubba Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe]

Inkastoo kulamo horu dhac ah ay yeesheen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Jubba, hadana waxaa maanta la filayaa in la sii amba-qaado waa hadalada ku aadan xaaladaha Jubbooyinka iyo muranka ka dhashay xulashada Baarlamaanka Jubba oo ay mooshin ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto cabashada la xiriirta xulista Baarlamaanka Jubba, waxaanasharmarke-5-280x175 kulamo horu dhac ah yeelan doona Guddiyo Wasiiro ah oo Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa si gaar ah iskula soo qaadi arrinta cabashada ee ku aadan dhismaha Baarlamaanka Jubba, waxaana Maamulka Jubba uu wali ku doodayaa in sidii loogu tala galay ay u dhacday xulista Baarlamaanka Jubba.

Kulamadan ayaa la filayaa inay go’aano laga soo saaro, kaasoo xal u noqon doona muranka ka taagan dhismaha baarlamaanka Jubba, hase ahaatee waxaa la ogeyn wax kasta oo heshiiskaas ka soo baxa sida ay ugu qanci karaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka geeyay dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!