Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo war ka soo saaray dagaaka Deefoow

by admin | Wednesday, Dec 31, 2014

Muqdisho : HN L– War saxaafadeed goor dhaw laga soo saaray xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu cambaareeyay sidda la sheegay dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobollada dhexe, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Deefoow.

“Maanta goballada dalka waxaa ka socda shirar isugu jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamullada gobollada, waa nasiibSharop darro in taas ay bar-bar socoto dagaal beeleedyo dhaawici kar kalsoonida shacabka wada dagan, waxayna abuuri kartaa xasillooni darro ku soo kororta deegaanka. Waxaan ku baaqayaa in miiska wada xaajoodka la isugu yimaado, lagana waantoobo in dagaaladaas sii socdaan, dowladduna waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo colaadahaas soo noq noqday”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

27-kii bishan ayay aheyd markii magaalada Beledweyn lagu gaaray heshiis nabadeed oo ay kala saxiixeen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas Gaarane Ugaas Cismaan, waxaana heshiiskan ahaa mid lagu soo afjarayay colaada deegaankaas ka dhacay, hase ahaatee dagaalkan dib ugu soo cusboonaaday ayaa waxaa uu caqabad ku yahay heshiiskii dhowaan la gaaray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!