Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo xukuumadiisa soo dhisaya horaanta sanadka cusub

by admin | Monday, Dec 29, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa  la sheegay in xukuumadiisa cusub oo uu soo dhisi doono ilaa horaanta sanadka cusub.

Siciid Maxamed Cali oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta gudaha waxaa ku sheegay ra’iisul wasaaraha in uu gabo-gabo marinayo la tashiyo ku aadan soo dhisida xukuumadda cusub oo laga sugayo.

“Waxaa uu la shiray xildhibaanada baarlamaanka ,Siyaasiyiin ,iyo Bulshada qaybaheeda isaga oo ku dadaalaya sidii uu u soo dhisi lahaa Xukuumad ay cid kasta iska dhex aragto,”ayuu yiri xildhibaan Cali oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ooa qlibiyad ku ansixiyay Sharmaarke markii la horgeeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa u doortay Sharmaarke jagada Arbacadii (17-kii December), kaliya toban maalmood ka dib markii ay xildhibaannadu xilka uga xayuubiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed cod kalsooni kala noqosho ah oo muran dhaliyay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Sharmaarke inuu, markii uu baarlamaanku ansixiyey, degdeg ugu hawlgallo dhisidda xukuumad cusub oo uu gaadho hadafyada dalka ee ku aaddan horumarka iyo ammaanka.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Cumar uusan nasaneeyn illaa ay Soomaaliya oo dhan gaadho ammaan, xasillooni iyo horumar,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan.

Sharmaarke wuxuu wax ka bartay khibraddiisii hore waxaana uu leeyahay dabeecad ku wanaagsan ku dhexSharop shaqeeynta jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya, ayuu yidhi Daahir Maxamuud Geelle, oo ka soo shaqeeyay golihii wasiirrada ee Sharmaarke 2009-kii.

Waxaa intaas dheer, maaddama uu soo shaqeeyay xilligii ugu xumaa amni-darrada Muqdisho oo uu gacan ka geeystay inuu soo dhiso hay’adaha ammaanka ee dalka, wuxuu Sharmaarke fahansan yahay caqabadaha ammaanka ee jira iyo sida looga gudbayo, ayuu yidhi.

“Wuxuu ka soo shaqeeyay Muqdisho xilli aysan waxba meesha oolin oo ay dawladdu ka soo guurtay Jabuuti oo lagu soo dhisay,” ayuu yidhi Geelle. “Ma jirin wax hay’ado dawladeed ah. Ma jirin ciidamo bilays, millatari ama sirdoon. Ninkani waa ninkii waxaas oo dhan asaaska u dhigay.”

Markii laga gudbo caqabaddaas, xukuumadda cusub waa inay ka shaqeeysaa sidii ay u gaadhi lahayd dhammaan hadafyadii Higsiga 2016-ka oo ay u diyaariso Soomaaliya doorashadii ugu horraysay ee xor ah ee soo marta muddo tobaneeyo sano ah, ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaraha ayaa heysta mudo  30 cisho ah in uu ku soo dhiso xukuumaddisa ka dib markii uu ansixiyo baarlamaanku.

 

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!