Ra’iisal wasaare C/wali” hergalinta mamul gobolleedyada ahmiyad gaar ah ayeey leedahay

by admin | Wednesday, Oct 1, 2014

Muqdisho : HN :–Ra’iisul waasaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay xoogga saarto hirgelinta maamullada gobollada dalka, isagoo xusay inay arrintan ahmiyad gaar ah siinayaan.

C/weli Sheekh oo soo xirayay kulan looga hadlayay barnaamijka Hiigsiga cusub ayaa sheegay in dowladdu ay maanta oo Isniin ah wafdi u dirayso gobolka Galguduud, kuwasoo fududeyn doona qorshaha maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Waxaa naga go’an inaan dardar-gelinno dhismaha maamullada dalka si ay taasi u sahasho in dalka uu noqdo federaal, lana qabto doorasho xilliga ku habboon,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa xusay in wafdigan ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka maamulkaCabdiweli-Sheekh-Axmed gobollada lagu dhisayo, ayna ka filayaan inay guulo la taaban karo ka gaaraan.

“Innagu waxaan doonaynaa in Soomaaliya oo dhan aan ka hirgelino maamullo ay dowladdu hormuud u tahay, arrintaasna ma doonayno inaan marnaba ka caajisno,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Mas’uuliyiinta dowladda Somalia ayaa waxay tan iyo billowgii sannadkan xoogga saarayeen sidii dlka ay uga dhalan lahaayeen maamullo ay iyagu majaraha u hayaan, si nidaamka federaalka loo hirgeliyo.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijka Hiigsiga Cusub uu yahay midka ay ku doonayaan inay ku gaaraan hadafka ay ka leeyihiin dalkan federaal laga dhigo, isla markaana ay sannadka 2016-ka dalka doorasho uga dhaco.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!