Ra’iisal wasaare C/wali iyo wafdigiisa oo ku sii jeeda Norway

by admin | Friday, Sep 19, 2014

London : HN :– Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu gaaro dalka Norway, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas.

Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay  in Ra’isulwasaaraha uu kala hadlicabdiweli1 doono madaxda dalka Norway sidii ay gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska iyo horumarrada kale ee dalka.

Wuxuu tilmaamay in dalka Norway uu kamid yahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo horumarrada kale.

Ridwaan ayaa xusay in sidoo kale laga wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo taageerada uu hadda dalka Norway u fidiyo Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!