Ra’iisal wasaare C/wali iyo wafdigiisa oo shir uga qeyb-gallay magaalada London

by admin | Friday, Sep 19, 2014

London : HN : — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa galabnimadii Khamiista magaalada London uu qeyb galay shir ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo looga hadlayay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidanka iyo masuuliyiin ayaa qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay in shirka looga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka, iyadoo lagu ammaanay ciidanka guulaha ay dhawaan soo hoyeen.

Masuuliyiin ka socotay dalalka Midowga Yurub, Qarammada Midoobay , dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo dalka Isutaggaraisal Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb galay shirka.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa xusay in sidoo kale laga wada hadlay sidii looga dhabeyn lahaa tageerada intabadan loo ballan qaado Soomaaliya ee ku aaddan dib u dhiska ciidanka iyo horumarrada kale.

Wuxuu tilmaamay in  wafdiga Ra’isul wadaaraha uu kulamo la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Ingiriiska ayna kala hadleen sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen horumarrada kala duwan ee ka socda dalka, iyo dadaallada dowladda ee ku aaddan isbaddel muuqda oo ka dhaca dalka sanadka 2016-ka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!