Ra’iisal wasaare C/wali oo dalka dib ugu laabtay kaddib safar uu ku tagay Burudi

by admin | Wednesday, Oct 22, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar uu ku tagay dalka Brundi oo qeyb ka ah dalalka ay Soomaaliya ka joogana ciidamada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno iyo masuuliyin kale.

Raysul wasaaraha oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay indib ugu safar shaqo uu uga yimid dalka Brundi, halkaasoo uu xusay in uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Dr. C/weli ayaa sheegay in dowladda Brundi ay kala sixiixdeen heshiisyo wada shaqeyn oo qodobo badan ka kooban, islamarkaana safarkii uu ku tagay dalkaasi uu ugu soo dhamaaday guul.

Raysul wasaaraha ayaa mudadii uu joogan dalka Brundi wuxuu kulamo la qaatay madaxweeynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza iyadoo ay ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeyntii Soomaaliya iyo Brundi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!