Ra’iisal wasaare C/wali oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Sep 24, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku tagay qaar ka mid ah wadammada qaarada Yurub ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh oo ay waheliyaan wasiirro xukuumadda ka tirsan waxaa  ay booqasho ku tageen dalal dhowr ah oo Yurub ka tirsan,waxaana xilli hore oo saakay ah ay ka soo dageen garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay R/wasaare ku xigeenka, xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada,Cabdiweli-Sheekh-Axmed xildhibaanno iyo dadweyne farabadan.

Ra’iisal wasaaraha waxaa uu la soo shiray mas’uuliyin ka tirsan dalalka uu booqday oo ay ka mid ahaayeen Ingiriiska,Norwey iyo Turkiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan dalbaday in ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu hor yimaado si wax looga weydiiyo shirkada Turkiga ah ee lagu wareejiyay maamulka dekeda Muqdisho.

Hiiraan Net.

___

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!